Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Australia oo Hakisay Duqeymihii ay ka Wadday Syria


Australia ayaa maanta ku dhawaaqday inay si ku meel gaar ah u hakisay duqeymaha ciidamadeeda ay ka wadeen dalka Syria.

Tallaabadan ayaa timid maalmo kadib markii diyaarad dagaal oo Mareykanku leeyahay ay soo ridday diyaarad Syrian ah, islamarkaana dowladda Ruushka oo xulufo la ah dowladda Syria ay ku hanjabtay in diyaaradaha xulufada Mareykanka ee ka howlgalaya hawada Syria ula dhaqmi doonto bartilmeemeed ahaan.

Australia ayaa qeyb ka ah isbaheysiga Mareykanka uu hoggaamiyo ee weerarada cirka ee ka dhanka ah kooxda Daacish ka billaabay dalka Syria sanadii 2014.

Bayaan kasoo baxay wasaaradda gaashaandhigga Australia ayey ku sheegtay inay eegi doonto “xaaladda hawada Syria”, ayna go’aamada ku saabsan dib u billaabidda duqeymaha ku qaadan doonto qiimeynta xaaladda.

Wasaaradda waxa ay sheegtay in duqeymaha ay ka waddo dalka Ciraq ay sii socon doonaan.

Dowladda Mareykanka oo ka jawaabtay hanjabaadda Ruushka ayaa sheegtay inay sameyn doonto wax kasta oo ay awooddo oo ku difaaceyso danaheeda.

XS
SM
MD
LG