Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kenya: Qarax lagu Dhaawacay Afar Askari


Kenya topographic map
Kenya topographic map

Ugu yaraan afar askari ayaa ku dhaawacantay qarax miino oo maanta lala beegsaday baabuur ay leeyihiin milatariga Kenya.

Weerarkan ayaa ka dhacay meel u dhow tuulada lagu magacaabo Gariley oo aan ka fogayn xuduudda Soomaaliya.

Qaraxu waxa uu dhacay goor hore oo subax ah, waxaana la sheegay in askartii ku dhaawacantaya weerarkan loo duuliyey gurmad caafimaad.

Ururka Al-Shabaab ayaa inta badan sheegta mas’uuliyadda weerrada qaraxa eel ala beegsado ciidamada Kenya.

XS
SM
MD
LG