Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Senate-ka oo Xoojinaya Cunaqabateynta Ruushka


Xubno ka tirsan Aqalka senate-ka Mareykanka ayaa Isniintii isku raacay sharci cusub oo lagu xoojinayo cunaqabateynada saaran dalka Ruushka.

Sharciga cusub ayaa waxaa ku jira qodobo dhigaya in ay qasab noqon doonto in congress-ka Mareykanka uu dib u eegis ku sameeyo, haddii Aqalka Cad uu qafiifiyo ama joojiyo qeybo ka mid ah cunaqabateynta horey u saarneyd Ruushka.

Sharcigan cusub ayaa la filayaa inay si buuxda u taageeraan xubnaha Senate-ka Mareykanka si buuxda loo horgeeyo, waxaana kadib loo gubdin doonaa aqalka wakiilada, ka hor inta uusan saxiixin madaxweyne Donald Trump.

Bayaan kasoo baxay hogaamiyayaasha Jamhuuriga iyo Dimoqraadiga ee guddiga maaliyadda ee Senate-ka ayaa sheegay “in cunaqabateynta la ballaariyey ee Ruushka ay jawaab u tahay xadgudubyada Ruushka ku sameeyeen madaxbanaanida dhuleed ee dalka Ukraine iyo gobolka Crimea iyo weerarkii interney ee ay ku qaadeen doorashooyinkii Mareykanka”.

Aqalada wakiilada iyo Senate-ka Mareykanka iyo Waaxda Caddaaladda Mareykanka ayaa baaraya faro-gelinta la rumeysan yahay in Ruushku ku sameeyeen doorashooyinkii madaxweyne ee Mareykanka ee sanadkii tagay.

XS
SM
MD
LG