Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxkamad Kale oo Diiday Amarkii Trump


Maxkamada Sagaalaad ee Racfaanka ee magaalada San Francisco ayaa joojisay amarki uu madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu muddo 90 cisho ah dalka uga mamnuucay inay soo galaan muwaadiniinta lix wadan oo ka mid ah dalalka Islaamka.

Dhamaan garsoorayaashi qaadayey dacwadan, ayaa Isniinti si wada jir ah uga soo horjeestay amarka kumeel gaarka ahaa ee Madaxweyne Trump uu soo saaray labada bishii March.

Bayaan kasoo baxay garsoorayaasha maxkamadan ayaa lagu sheegay in loo diido soo galitaanka Mareykanka dad ka badan 180 milyan oo ruux oo ku nool lixda wadan ee uu amarku khuseeyo, iyo in la mamnuuco guud ahaan qaxootiga, iyo sidoo kale in la dhimo qaxootiga Mareykanka imaan jiray sanad walbaa, ay tahay arrin aanan waafaqsaneyn sharuudihii loo baahnaa ee awoodaha madaxweynaha.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu yiri, madaxweynaha waa inuu daliilo ku filan u keenaa in dadkaasi ay yihiin kuwo dhaawici kara danaha Mareykanka.

XS
SM
MD
LG