Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Eritrea oo Taageertay Qatar


Wasaaradda arrimaha dibadda ee Eritrea ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in dalalka Sucuudiga iyo Imaaraatku ay ka codsadeen in Dawladda Eritrea ay xidhiidhka diplomaasiga ah u jarto Qatar.

Warsaxaafdeedka ayaa lagu sheegay in dawladda Eritrea ay gabi ahaanba arrintaasi ay diidday.

Eritrea ayaa sheegtay in shacabka Qatar ay wadaagaan xidhiidh wanaagsan, isla markaana aysan suurtagal ahayn in codsiga dalalkaasi awgii ay xidhiidhka u jaraan.

Warsaxaafdeedka Wasaaradda arrimaha dibadda ee Eritrea ayaa sheegay in madaxweynaha Eritrea uu ku baaqay in waanwaan lagu dhameeyo xiisadda u dhaxaysa Qatar iyo Dalalka ay is khilaafsanyihiin.

XS
SM
MD
LG