Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Baarlamanka Iran oo Weerar Lagu Qaaday


Wakaaladaha wararka dalka Iran ayaa ku warramay laba weerar oo waa weyn oo maanta ka dhacay dalkaas, kuwaasi oo mid ka mid ah lagu beegsaday xarunta baarlamanka dalkaas, midka kalena qabriga hoggaamiyihii hore Ayatollah Ruhollah Khomeini.

Weerarka qabriga ayaa la sheegay inay ku lug lahaayeen saddex nin iyo qof ismiidaamiyey, kuwaas oo galay qabriga oo ku yaalla koonfurta magaalada Tehran, halkaasi oo ay dhowr qof ku dhaawaceen.

Warbixino ayaa sheegaya in boliiska ay xireen ugu yaraan hal qof, islamarkaana ay dileen mid kale.

Weerarka ka dhacay xarunta baarlamanka ayaa waxaa ku lug lahaa hal nin oo isku qarxiyey gudaha dhismaha iyo saddex kale oo qoryo ku hubeysna.

Warbaahinta Iran ayaa sheegay in mid ka mid ah ilaalada baarlamanka lagu dilay weerarka, dhowr qof oo kalena lagu dhaawacay.

Warbixnada qaar ayaa mid ka mid ah xildhibaanada kasoo xigtay in mid ka mid ah raggii weerarka soo qaaday la xiray.

Kooxda Daacish, ayaa war ay soo dhigtay wakaaladeeda wararka ee Amaq ku sheegatay mas’uuliyadda labada weerar.

XS
SM
MD
LG