Isku xirrada

War Deg-Deg ah

3 Qof oo ku Geeriyootay Qarax ka Dhacay Kenya


Kenya
Kenya

Saddex qof ayaa dhimatay kadib markii gaari ay saaraayeen ay miino kula qaraxday gobolka Waqooyi Bari Kenya, galabta casar liiqii.

Gaariga ayaa la sheegay inuu u kireysnaa hay’ad samafal oo la yiraahdo ADESO oo ka howlgasha Soomaaliya.

Gaarigan ayaa marayey inta u dhaxeysa Kullan iyo Liboy ee degmada Gaarisa markii uu qaraxa haleelay.

Saddexda qof ee ku dhintay ayaa lagu sheegay darawalkii gaariga, sarkaal ka tisanaa shaqaalaha hay’adda iyo qof shacab ah oo ay dhex ka sii qaadeen.

Gaarigan ayaa ku sii jeeday magaalada Dhoobley ee Soomaaliya.

XS
SM
MD
LG