Isku xirrada

Booliska Oo Magacaabay Kuwi Weeraray London


Britain London Bridge Attack

Booliska Magaalada London ayaa soo bandhigay magacyada laba ka mid ah sadex ruux oo la sheegay in geysteen weerarki Sabtidi lagu qaaday magaalada London, kaasoo ay ku dhinteen todobo ruux halka ay ku dhaawacmeen dad ka badan 50 kale.

Labada qof ee la magacaabay ayaa kala ah Khuram Shazad Butt, oo ah 27 jir British ah. Ninkani horay ayey boolisku u ogaayeen balse kuma jirin dadka ku jira liiska kuwa halista ah.

Ninka labaad ayaa lagu sheegay Rachid Reouane oo ah 30 jir. Labaduba waxay ku noolaayeen hal xaafad oo ku taala Bariga London.

Booliska waxay sheegeen in ay wadaan baaritaan ku aadan aqoonsiga qofka sadexaad ee ka mid ahaa kuwi weeraray London dhamaadka todobaadki hore.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG