Isku xirrada

Shan Dal oo Carbeed oo Xiriirka u Jaray Qatar


Boqorka Sacuudiga Salman bin Abdulaziz Al Saud, iyo dhaxal sugaha amiirka Abu Dhabi Sheikh Mohammed bin Zayed Al Nahyan.

Dalalka Saudi Arabia, Bahrain, Imaaraadka, Yemen iyo Masar, ayaa maanta ku dhawaaqay inay xiriirka diblomaasiyeed u jareen dalka Qatar, ayaga oo ku eedeeyey inuu taagero argagixisada.

Dalalkan ayaa midba si gooni ah ugu dhawaaqay tallaabadan, waxayna sheegeen inay shaqaalahooda diblomaasiyeed kala soo baxayaan Qatar, sidoo kalena ay jarayaan isu socodka hawada iyo badda ee kala dhaxeeya dalkaas.

Saudi Arabia oo sidoo kale hoggaamineysa isbaheysiga ka dagaalamaya dalka Yemen ee taageeraya dowladda dalkaas, ayaa sheegtay in ciidamada Qatar laga saari doono howlgalkaas.

Wakaaladda wararka Sacuudiga ee SPA ayaa sheegtay “Qatar waxay taageertaa kooxo argagixiso, kuwaas oo ujeedkoodu yahay inay xasilooni darro ka abuuraan gobolka, oo ay ku jiraan Daacish, Ikhwaanul Muslimiin iyo Al-Qacida”.

Wasaaradda arrimaha dibedda Qatar ayaa tallaabada dalalkan ku qeexday mid aan loo cudur daarin oo xadgudub ku ah madax banaanideeda.

Qatar ayaa horey u beenisay inay taageerto argagixisada.

Warbixintan waxaa Qaahira kasoo diray Xuseen Saxnuuni

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG