Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Banaanbaxyo Ka Dhacay 136 Magaalo


Demonstrators march as they take part in an anti-Trump "March for Truth" rally on June 3, 2017 in New York City.
Demonstrators march as they take part in an anti-Trump "March for Truth" rally on June 3, 2017 in New York City.

Bannaanbaxyo lagu dalbanayo in baaritaan cadaalad ah lagu sameeyo faragelinta la sheegay inuu Ruushka ku sameeyey doorashadi Mareykanka ee sanadki hore, ayaa Sabtidi ka dhacay in ka badan 135 magaalo oo ku yaala Mareykanka iyo meelo kale oo ka mid ah caalamka.

Banaanbaxaan oo lagu magac daray dibadbaxa “Socodka Runta” ayaa waxaa soo qaban qaabiyey Isbaheysi ay ku mideysanyihiin ilaa iyo 17 urur oo ah kuwa u dhaqdhaqaaqa arrimaha bulshada.

Ururadan ayaa dalbanaya in la sameeyo guddi madax banaan oo kor kala socda baaritaanka lagu sameynayo faragelinta la sheegay in Ruushka uu ku sameeyey doorashadi madaxtinimada Mareykanka ee sanadki hore.

Waxa kale oo ay dalbadeen in baaritaanka laga ilaaliyo danaha xisbiyada siyaasadda ee Mareykanka.

XS
SM
MD
LG