Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Jabhadda SDF oo ku Siqeysa Magaalada Raqqa


Saraakiisha milatariga Mareykanka ayaa sheegay in ciidamada uu Mareykanka taageero ee Syria ee la magac baxay xooggaga Dimuquraadiyiinta Syria ay ilaa iyo sadex kilomitir ay u jiraan caasimadda ku meel gaarka ah ee Uururka ISIS ee Syria.

Saraakiishu waxey sheegeen in dagaal weyn oo ISIS lagula galo magaalada Raqqa inuu bilaabmayo maalmaha soo socda.

Isagoo kula hadlayay warbaahinta magaalada Baqdad ee xarunta dalka Ciraaq ayaa afhayeenka isbaheysiga holgalka ka dhanka ah ISIS Col. Ryan Dillon, waxa uu sheegay in Jabadda SDF ee Syria ee uu Mareykanku taageero ay isku urursatay hareeraha magaalada Raqqa, ka dib markii dhul gaaraya ilaa 350 kilomitir ay ka qabsadeen ISIS todobaadkii la soo dhaafay.

Ciidamadan ayaa hadda u jira sadex Kilomitir Raqqa dhinaca Waqooyi iyo dhinaca bari, dhinaca galbeedka waxey magaalada u jiraan ilaa iyo 10 kilomitiri, sida uu sheegay Col: Dilon.

XS
SM
MD
LG