Isku xirrada

War Deg-Deg ah

WHO oo Dooratay Hoggaamiye African ah


Shir ay yeesheen 185 dal ee xubnaha ka ah laanta Caafimaadka Dunida ee WHO oo ka dhacay magaalada Geneva ee dalka Switzerland ayaa lagu doortay agaasimaha hay’addaas hoggaaminaya.

Dr. Tedros Adhanom, Wasiirkii hore ee arrimaha debedda Ethiopia ayaa loo doortay inuu noqdo agaasimaha cusub ee hay’adda WHO.
Tedros Adhanom, oo 52 jir ah ayaa wareega 2aad ee doorasho ay ku baratamayeen ilaa iyo laba murashax oo kale ayaa helay 121 cod.

Tedros Adhanom Gheybreysus, oo ah masuul u dhashey dalka Ethiopia ayaa noqdey shakhsigii ugu horeeyey ee African ah oo loo doorto agaasimaha guud ee ururka caafimaadka adduunka ee WHO.

Moha Daahir Faarax Agaasimihii hore ee ururka Saxafiyiinta Afrika ee JAR oo ay mar soo wadashaqeeyeen Dr. Tedros ayaa sheegtay in doorashadiisu ay fursad u tahay qaaradda Afrika, taasina ay keeni karto in si dhab ah wax looga qabto siyaasadaha lagu horumarinayo caafimaadka Afrika.

Haddaba Warbixin arrintaas ku saabsan waxaa innoo haya Jamaal Axmed Cismaan.

Doorashada Agaasimaha WHO
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:43 0:00

XS
SM
MD
LG