Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qof ku Dhintay Qarax ka Dhacay Kenya


Mid ka mid ah shaqaalaha waddooyinka ee dalka Kenya ayaa ku dhintay qarax lala beegsaday baabuurkii uu la socday meel u dhow tuulada Dhaba City oo hoos timaada magaalada Ceel Waaq maanta.

Goobjoogayaal ayaa idaacadda VOA u sheegay in qof kale oo la socday baabuurka uu ku dhaawacmay qaraxaasi, kaasi oo haatan lagu dawaynayo magaalada Ceel Waaq, Kenya.

Waa qaraxii labaad ee laba maalmood oo isku xigta ka dhaca Waqooyi Bari Kenya, iyadoo shalay baabuur ay la socdeen dad rayid ah uu qarax ku qabsaday agagaarka Liboi, kaasi oo ay ku dhinteen afar qof.

Weerarka maanta dhacay ayaa ah kii afraad ee muddo shan maalmood gudahood ah ka dhaca waqooyi Bari Kenya.

Dalkaasi waxaa bisha August ka dhacaya doorashooyinka guud oo ay ku jirto tan madaxweynaha.

XS
SM
MD
LG