Jimcihii shalay waxaa ilaa sagaashan dal oo dunida ku yaala saameeyay weeraro balaaran oo dhinaca internetka ah oo sida la sheegay loo maray barnaamij ama software horey looga xaday heyadda amaanka Qaranka Mareykanka ee NSA.
Shirikadaha soo saara softwarada ama barnaamij computareedka ka hor taga virusyada internetka dhexdiisa la isaga duso ayaa sheegay in weerarkan uu saameeyayin ka badan 75 kun oo computer, oo yaala dalal ay ka mid yihiin Ruushka Shiinaha.
Waxaa kaloo uu saameeyayhay'adda Addeegga Qaran ee Caafimaad ee England iyo Scotland.
Wariyeheenna Maxamed Cabdi Xassan ayaa arrintan ka wareystay, wariye Cabdinaasir Ismaaciil Sola, maamulaha Websiteka SOLAGROUP.COM, ee ka faalooda arrimaha internetka, kuna suggan magaalada London.