Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maraykanka oo ka Hadlay Soomaali la Celiyey


Qoraal ka soo baxay Waaxda Fulinta arrimaha socdaalka iyo Kastamada ee ICE ayaa lagu xaqiijiyey celinta Muwaadiniin u kala dhalatay Soomaaliya iyo Kenya, kuwaas oo laga kala dejiyey Nairobi iyo Muqdisho.

Qoraalka ka soo baxay ICE ayaa lagu sheegay in hay’addoodu ay Maraykanka ka saartay toddoba qof oo u dhashay dalka Kenya iyo 67 qof oo u dhashay Soomaaliya, kuwaas oo haystay go’aankii kama dambaysta ahaa ee dalka looga saari lahaa.

Qoraalka ICE ayaa lagu sheegay in hay’addoodu ay bartilmaameedsato dadka aan sida sharciga ah ku joogin dalkan Maraykanka iyo kuwa halista ku ah amniga Qaranka, Xasiloonida Guud iyo Ammaanka xuduudaha Maraykanka.

ICE ayaa sheegtay inay bartilmaameedsanayaan dhammaan dadka ku xadgudbay shuruucda socdaalka Maraykanka, iyaga oo xidhaya, haddii amar lagu bixiyo in dalka laga saarona ay fududaynayaan sidii dalalkooda loogu celin lahaa.

Qoraalka ayaa intaas ku daray in 67 qof ee Soomaalida ah, markii ay gaadheen magaalada Nairobi in looga sii duuliyey Muqdisho, halkaas oo masuuliyiinta Soomaaliduna ay xaqiijiyeen inay gaadheen Muqdisho.

XS
SM
MD
LG