Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Le Pen Iyo Macron oo Is Weeraray


Emmanuel Macron et Marine Le Pen quelques minutes avant le débat de l'entre-deux-tours à Paris, le 3 mai 2017.
Emmanuel Macron et Marine Le Pen quelques minutes avant le débat de l'entre-deux-tours à Paris, le 3 mai 2017.

Musharaxiinta doorashada madaxtinimada dalka Faransiiska ee kala ah Marine Le Pen iyo Emmanuel Macron ayaa xalay isku wajahay dood aad u kululeyd oo socotay laba saacadood oo toos looga daawaday Telefishinka.

Dooda ayaa dhacday laba maalmood ka hor inta aysan labada musharax isku wajahin wareega labaad uguna danbeeya ee doorashada madaxtinimada Faransiiksa.

Le Pen oo ka socota xisbiga midigta fog ee kasoo horjeeda muhaajiriinta ayaa ku tilmaantay Macron nin aanan naxariis laheyn oo hantigoosad ah, waxa kale oo ay ku sifeeysay inay daciif tahay siyaasadiisa dhinaca argagagixisada.

Musharaxa xisbiga siyaasadiisu ay dhex-dhexaadka tahay ee Emanuel Macron ayaa isna ku eedeeyey Marine La Pen in ay tahay beenleey argagixiso khatar ah.
Axada ayaa lagu wadaa in shacabka reer France ay soo doortaan madaxweynaha xiga ee xakumi doona dalkaasi.

XS
SM
MD
LG