Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qarax ka Dhacay Meel u Dhow Garoonka Dimishiq


Qarax xooggan ayaa maanta ka dhacay meel u dhow garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada Dimishiq ee dalka Syria, waxaana ka dhashay dab xooggan, ayada oo la is-weydiinayo sababta keentay.

Kooxda fadhigeedu yahay Britain ee la socota arrimaha xuquuqda aadanaha Syria, SOHR ayaa sheegtay in qaraxa laga maqlayey bartamaha magaalada oo 25 KM u jirta garoonka.

Taleefishinka Lubnaan ee taageera kooxda Xizbullah, Al-Manar ayaa sheegay in qaraxa uu ka dhashay duqeymo ay fuliyeen diyaaradaha dagaalka Syria, halka warbaahinta dowladda Syria ay sidoo kale sheegtay in gantaalaha Israel ay kusoo dhaceen goobta.

Wasiirka sirdoonka Israel, Yisrael Katz ma uusan sheegin haddii Israel ay ka dambeysay weerarka, hase yeeshee waxa uu yiri “Waxa ay u eg tahay siyaasadeena, siyaasad ay tahay inaan fulino”.

Intii uu socday dagaalka Syria tan iyo sanaddii 2011, Israel ayaa caddeysay inaysan ogolaan doonin in hub ka yimaada Iran uu u gacan galo dagaalyahanada Xizbullah ee ka dagaalamaya gudaha Syria.

Dagaalyahanada Xizbullah ayaa dalka Syria ka dagaalamayey tan iyo sanadii 2013 ayaga oo la jira ciidamada madaxweyne Bashar al-Assad.

XS
SM
MD
LG