Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Trump oo Maanta Shaacinaya Qorshe Canshuur Dhimis


Donald Trump, madaxweynaha Mareykanka
Donald Trump, madaxweynaha Mareykanka

Filashada qorshaha canshuur dhimista loo sameynayo shirkadaha waa weyn iyo shaqsiyaadka ee madaxweyne Donald Trump ayaa sare u qaaday qiimaha suuqyada saamiyada Mareykanka shalay iyo kuwa qaaradda Asia, xalay.

Madaxweyne Donald Trump ayaa la filayaa in maanta uu shaaca ka qaaday qorshe hoos loogu dhigayo heerka canshuurta shirkadaha waa weyn ee Mareykanka, oo ah tan ugu badan dunida horumartay.

Xubno isaga ku dhow ayaa sheegay inuu congress-ka weydiisan doono in heerka canshuurta shirkadaha oo iminka ah 35% laga dhigo 15%, taasi oo ah ballanqaad uu sameeyey markii uu ku guda jiray ololaha doorashada madaxweynaha.

Afhayeenka aqalka cad ee Mareykanka Sean Spicer ayaa sheegay in Mareykanka uu muddo ahaa dal aan dunida kala kula tartami karin soo jiidashada shirkdaha ganacsiga, “sababta oo ah heerka canshuurta”.

Sharci dejiyayaasha Mareykanka ayaa sanado badan wacad ku marayey isbeddel lagu sameeyo hanaanka canshuuraha Mareykanka, hase yeeshee dadaalladaas ayaa waxaa wiiqay dalabyo ku saabsan in meesha laga saaro cafiska canshuur ee shirkadaha qaar helaan iyo dulsaarka laga qaado shaqsiyaadka ee dib loogu soo celiyo.

XS
SM
MD
LG