Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xaaladda Paris oo Caadi ku soo Laabaneysa


Waddada caanka ah ee Champs-Elysees ee magaalada Paris ayaa maanta caadi ku soo laabaneysa kadib markii nin hubeysan uu khamiistii ku dilay qof boolis ahaa, islamarkaana ku dhaawacay laba qof oo kale.

Madaxweynaha Faransiiska, Francois Hollande ayaa sheegay inay ka dhaadhacsan tahay in “dilkaasi fuleynimada” uu ahaa fal argagixiso.

Hollande ayaa maanta isugu yeeray golaha amniga qaranka iyo musharaxiinta madaxweynaha, si ay uga wada hadlaan haddii ama sida uu weerarka u saameeyey codbixinta la filayo inay dhowaan dhacdo.

Kulanka Hollande iyo golaha amniga qaranka ayaa qeyb ka ah dadaallo dowladda ay dooneyso in lagu ilaaliyo doorashada maalinta axadda oo la filayo inay ku dhacdo xaalad amni oo aad loo adkeeyey.

“Waxaan noqon doonnaa kuwa aad u feejigan, gaar ahaan marka ay timaado doorashada” ayuu Hollande u sheegay taleefishinka qaranka.

Kooxda Daacish ayaa sheegatay weerarka, waxaana ay ninka fuliyey ku tilmaamtay mid ka mid ahaa dagaalyahanadeeda oo lagu magacaabay "Abu Yussef Al-Biljam”

XS
SM
MD
LG