Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Yildirim: Mucaaradka Ha Ixtiraamaan Natiijada


Ra’iisul wasaaraha Turkiga Binali Yildirim ayaa maanta ugu baaqay xisbiyada mucaaradka inay ixtiraamaan natiijada aftidii dalkaas ka dhacday ee awoodaha dheeriga ah siisay madaxweynaha.

Yildirim ayaa koox xildhibaano ah u sheegay in mucaaradka “uusan hadal u furneyn, kadib markii shacabku ay hadleen”.

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa diiday dhaleeceymaha ka yimid kormeerayaasha caalamiga ah, isaga oo codbixintii dhacday ku sheegay “doorashadii ugu dimoqraadisaneyd ee ka dhacda dal reer galbeed ah”.

Waxa uu sheegay in Turkey ay iska indha tiri doonto hadallada ururka amniga iyo wada shaqeynta Yurub, isaga oo warbixintooda ugu yeeray mid dano siyaasadeed laga leeyahay.

Natiijada aftida ayaa muujisay in 51% dadka Turkiga ay ogolaadeen in isbeddelo lagu sameeyo dastuurka, oo madaxweynaha siinaya awood dheeri ah, ayada oo 49% ay diideen.

XS
SM
MD
LG