Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Warbixin: Soomaalida Qurbaha iyo Cudurka Autism-ka


Autism
Autism

Sanad kasta bishan April waxaa dunida laga sameeyaa wacyigalin la xidhiidha xanuunka Autism-ka oo ka mid ah xanuunada haleela caruurta yar yar ee da’doodu ay hoosayso.

Soomaalida ku dhaqan qurbaha ayaa sandihii u danbeeyey la tacaalayay xanuunkan iyagoo wada wacyigalino ay waalidiinta wax kaga fahamsiinayaan waxa uu yahay.

Magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka oo ah magaalo ay ku nool yihiin Soomaali badan ayaa dadka u dhaqdhaqaaqa wacyigalintiisu ay tilmaamayaan in waalidiintu ay berigii hore dafiri jireen xanuunkan balse imika ay adeeg u soo raadsadaan caruurta uu haleelo.

Sidoo kale maalinta beri ah ayaa waxaa magaalada lagu qabanayaa kulan wacyigalin ah oo la xidhiidha Autism ka.

Cabdixakiim Maxamuud Shirwac ayaa warbixintan ku eegaya.

Warbixin: Cabdixakiin Shirwac
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:02 0:00

XS
SM
MD
LG