Isku xirrada

War Deg-Deg ah

France: Dab Burburiyey Xero Qaxooti


Dab ayaa burburiyey inta badan xerada muhaajiriinta ay ku noolaayeen ee Grande-Synthe ee ku taalla meel ku dhow magaalada Dunkirk ee waqooyiga dalka Faransiiska.

Michel Lalande, oo ah guddoomiyaha gobolka Nord, ayaa sheegay in dabka uu billowday kadib dagaal dhex maray dadka Kurdish-ka iyo kuwa kasoo jeeda Afghanistan ee xerada ku wada sugan.

Ma cadda sida uu dabka ku billowday, hase yeeshee Lalande ayaa sheegay in dabka uu dhaawacay ugu yaraan shan qof.

Muhaajiriinta xerada ku sugnaa ayaa laga daad gureeyey, waxaana loo qaaday meel kale oo gabbaad ay ka dhigtaan.

Xerada Grande-Synthe, ayaa waxaa aas aasay ururka Dhaqaatriita aan Xuduudda Lahayn, waxaana ay hoy u ahayd 1,500 oo qof oo badankood Kurdish ah.

Dadka xerada ku nool, ayaa sare u kacay bishii October kadib markii la xiray xero kale oo ku taalla Calais.

Muhaajiriin badan ayaa u guuray xeebta waqooyi ee Faransiiska ayaga oo rajo ka qaba inay u gudbaan Britain.

XS
SM
MD
LG