Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mareykanka oo 'Weerar Kale' ku Qaadaya Syria


Safiirka Mareykanka ee QM, Nikki Haley
Safiirka Mareykanka ee QM, Nikki Haley

Danjiraha Mareykanka u fadhisa Qaramada Midoobay,ayaa sheegtay in madaxweyne Donald Trump uu doonayo inuu dalka Suuriya ku qaado weeraro kale oo millatari.

Wareysi ay siisay TV-ga CNN ayey Ambassador Nikki Haley ku sheegtay in Trump uusan halkaan ku istaagi doonin, balseuu qaadi doono weeraro dheeraad ah haddii loo baahdo.

Dhanka kale, xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Rex Tillerson ayaa sheegay in wali hadafkooda ugu weyn ee Suuriya uu yahay ka libin gaaridda kooxda isku magacawday Khilaafada Islaamka.

Wuxuu sheegay in marka ay ka guuleystaan Daacish ay si toos ah ugu jeesan doonaan xasilinta xaaladda Suuriya.

Suuriya ayaa waxaa ka socda dagaal sokeeye oo soo billowday sanadki 2011-ki. Wuxuu u dhaxeeyaa Dowlada uu madaxda ka yahay Bishaar Al-Asad iyo kooxo mucaarad ah oo leh ujeedooyin iska soo horjeeda.

Dagaalkaas ayaa waxaa sidoo kale ka faa’iiday kooxda Daacish, oo qabsatay magaalooyin badan oo dalkaas ka mid ah, iyo qeybo ka mid ah dalka Ciraq.

XS
SM
MD
LG