Isku xirrada

Xiriirka Mareykanka Iyo Ruushka Kadib Duqeyntii Suuriya


Russia Putin

Weerarki aargoosiga ahaa ee Mareykanka uu Jimcihii ka fuliyey Suuria ayaa khatar gelinaya xiriirka Mareykanka iyo Dowlada Ruushka oo si xoog leh u taageerta rajiimka Bishar Al Asad.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa Jimcihii sheegay in weerarka uu Mareykanka fuliyey uu xadgudub ku yahay Qaanunka Caalamiga ah, isla markaana uu daawaci doonno xiriirka Russia iyo Mareykanka.

Bayaan laga soo saaray aqalka Kremlin-ka ee Moscow, ayaa lagu sheegay in Rushka uu ka baxayo heshiiskii labada dowladood ee ahaa amaanka hawada Suuriya ee dhinaca duulimaadyada Milatari ee u dhaxeeyey Ruushka iyo Mareykanka.

Mareykanka ayaa Jimcihi garaacay saldhig milatari oo ay ciidamada Suuriya ku leeyihiin bariga dalkaasi, taasi ayaa jawaab u aheyd weerar loo adeegsaday hub kiimikal ah oo lagu laayey dad rayid ah.

Mareykanka ayaa ku eedeeyey weerarkaasi Dowlada Suuriya. Suuriya waa ay beenisay.

XS
SM
MD
LG