Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Siiriya: Mareykanka oo Duqeymo ugu Jawaabay Weerarkii Kiimikada


Warbaahinta Mareykanka, ayaa ku waramaysa in Mareykanku uu duqeyn ka geystay dhowr goobood oo Siiriya ku yaalla habeenkii Khamiista, xilliga Mareykanka, taas oo jawaab u aheyd weerar kiimiko oo arxan darri ahaa oo lagu qaaday dad rayid ah dhawaantan, kaas oo lagu eedeyay in uu ka dambeeyay madaxweynaha Siiriya Bashar al-Assad. Weerarkaasi oo ay ku dhinteen boqol ruux.

Waa weerarkii ugu horeeyay oo ay ciidamada Mareykanka ku qaadan ciidamada dowladda Siiriya.

Sida ay wararku sheegayaan, 50 gantaal oo nooca Tomahawk loo yaqaan, ayaa laga soo ridey maraakiib kuwa bur burayaasha ah oo ay cidiamada Mareykanku leeyihiin kuwaas oo ku sugan badda Mediterranean-ka, waxayna ku dhaceen xarrumo la sheegay inay leeyihiin ciidamada cirka ee dalka Siiriya.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, ayaa sheegay in weerarkaasi ay ciidamadiisa ku eegteen saldhigyadii laga soo qaaday weerarkii Kiimikada ahaa ee ka dhacay Siiriya maalmo ka hor.

Waxa uu sheegay in Mareykanku uu ka hortagayo in ay dhacaan weeraro kale oo noocani ah.

Weerarka, ayaa imanaya xilli uu madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu Khamiistii gobolka Florida kula kulmay dhigiisa Shiinaha Xi Jinping, kuwaas oo ka arrinsaday arrimo dhowr ah.

XS
SM
MD
LG