Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mareykanka Oo Ballaarinya Amaro ka Dhan Ah Diyaaradaha


Maraykanka ayaa doonaya inuu dhakhso u ballaariyo mamnuucistiisii ku aadanayd in Computer-ada kala duwan ee lala raaco qaybta rakaabka ee diyaaradaha ka imanaya Bariga dhexe iyo Afrika.

Waaxda Ammaanka Gudaha Maraykanka ayaa doonaysa inay mamnuucistaas ku sii fidiso garoomo kale.

Xoghayaha Amniga Gudaha Maraykanka John Kelly ayaa u sheegay guddi ka tirsan golaha Senate-ka, in hay’adda ammaanka guduhu ay dhici karto inay qaaddo tallaabooyin dheeri ah oo ay ku sii ballaarinayso garoomada laga mamnuucay in rakaabka ka soo dhoofaya ay qaybta rakaabka la soo raaci karaan computer-ada gacanta iyo qalabka kale ee yaryar.

Waaxda Amniga Gudaha ayaa sheegtay in tallaabadaas loo qaaday iyada oo welwel laga qabo in kooxaha argagixisadu ay bartilmaameedsadaan diyaaradaha ganacsiga iyaga oo waxyaabaha qarxa ku dhex qarinaya qalabka electronics-ka ee dadku isticmaalaan.

XS
SM
MD
LG