Isku xirrada

War Deg-Deg ah

QM oo ka Hadleysa in la Mamnuuco Hubka Nuclear


QM ayaa isniintii billowday wada-xaajoodyo ku saabsan in si caalami ah loo mamnuuco hubka nuclear-ka, taasi oo ay kasoo horjeedaan dalalka horey u haystay hubka nuclear-ka.

Dadka taageersan mamnuucistan ayaa hubka nuclear u arka inuu halis ku yahay amniga dunida, waxaana ay ka digeen in musiibo saameyn leh ay noqon doonto haddii la isticmaalo.

In ka badan 120 dal ayaa sanadii tagtay u codeeyey in la billaabo wada-hadallo ku saabsan axdigan.

Wakiilka sare ee QM u qaabilsan hub dhigista, Kim Won-soo ayaa sheegay in hubka nuclear uu “halis jiritaan ku yahay bani aadannimada”, islamarkaana baahida loo qabo in la burburiyo ay mareyso meeshii ugu deg degta badneyd.

“Baadigoobka aan dhammaadka lahayn ee istaraatiijiyadda hubka nuclear iyo midd aan ahaynba ma abuuri doonaan ammaan, ee waxa ay kicin doonaan loolan hub xasiloolni darro abuura, waxayna kasii dari doonta xiisadaha goboleed iyo tan caalami” ayuu yiri Kim.

Mareykanka, Britain, France iyo labaatan dal oo kale ayaa kasoo horjeestay in hubka nuclear la mamnuuco.Ruushka iyo Shiinaha ayaa sidoo kale kasoo horjeeda axdigan, kamana qeyb galayaan wada-hadallada ku saabsan.

XS
SM
MD
LG