Saraakiisha QM ayaa sheegay in lix shaqaalaha gargaarka bani’aadannimo ah lagu dilay weerar ku dhufo oo ka dhaqaaq ah oo ka dhacay dalka Koonfur Sudan.
Saraakiisha ayaa sheegay in shaqaalaha la dilay sabtidii ayaga oo la socda kolonyo baabuur ah oo ka yimid magaalada caasimadda ah ee Jubba, kuna sii jeeda magaalada Bari ee Pibor.
“Waxaa iga nixiyey oo iga carreysiiyey dilkan fool-xumada badan...”waxaa sidaas yiri Eugene Owusu oo ah sarkaalka ugu sarreeya QM ee dhinaca gargaarka ee Koonfur Sudan.
“Waqtigan la joogo oo heerk xaaladda bani’aadanimo ay gaartay meel aad u sareysa, waa wax aan la aqbali karin in kuwa isku dayaya inay wax caawiyaan la weeraro oo la dilo”
QM ayaa sheegtay in dilalka ay yihiin tiradii ugu badneyd oo shaqaale gargaar ah oo hal weerar lagu dilo tan iyo markii dagaalka sokeeye ee dalkaas uu billowdya bishii December ee 2013.
12 shaqaale gargaar bani’aadannimo ayaa tan iyo sanadkan bilowgiisii lagu dilay dalka Koonfur Sudan, taasi oo ka dhigeysa 79 tirada shaqaalaha gargaar ee la dilay tan iyo bilowgii dagaalka sokeeye ee dalkaas.