Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa weydiisatay Safaaradaha iyo qunsuliyadaha Mareykanka ee caalamka in ay baaritaano dheeraad ah ku sameyaan dadka qaar marka ay dalbanayaan fiisooyinka.
Amarada kale ee la siiyey safaaradaha iyo Qunsuliyadaha Mareykanka ayaa waxaa kaa mid ah in ay dib u eegis ku sameeyaan bogaga ay baraha bulshada ku leeyihiin dadka kasoo dalbada viisooyinka ee looga shakisanyahay argagixisanimo ama inay ku noolyihiin deegaanada ay ka taliso Kooxda Daacish.
Tilmaamahan cusub ee ay waaxda arrimaha dibada u dirtay safaaradaha Mareykanka ayaa dhigaya in xitaa kuwa aanan looga shakisaneyn kooxaha argagixisada ay mari doonaan baaritaano dheeraad ah, taasoo ay ku muteysan karaan in lagala laabto dal-ku-galka hadii loo baahdo.
Adkeynta Fiisooyinka Mareykanka ayaa qeyb ka aheyd balanqaadyadi uu madaxweyne Trump kusoo galay ololihiisii doorashooyinka.