Jariidadda New York Times ayaa qortay in Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu doonayo inuu ballaadhiyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabab, iyo inuu khafiifiyo sharciyo uu dejiyey madaxweynihii hore Barack Obama oo loogu talogalay in lagu yareeyo khasaaraha soo gaadha dadka rayidka ah.
Jariidadda ayaa sidoo kale qortay in laga yaabo in qaybo ka mid ah dhulka Al-Shabab gacanta ku hayso in Trump u aqoonsado goobo dagaal. Warbixintan waxa inoo haya Jamaal Axmed Cusmaan.