Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Fallanqeyn: Amarka Cusub ee Madaxweyne Trump


Trump
Trump

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa saxiixay amar fulineed cusub oo dadka kasoo jeeda lix dal ka mamnuucaya inay soo galaan dalka Mareykanka muddo saddex toddobaad ah.

Amarkan ayaa sidoo kale waxa uu Mareykanka ka joojinayaa inay yimaadaan dadka qaxootiga ee caalamka oo idil muddo afar bilood ah.

Amarkan cusub ayaa yimid kadib markii amarkii hore ee madaxweynaha oo dalka ka mamnuucayey dadka kasoo jeeda toddobada dal uu diiday xaakim federal ah oo ku sugan magaalada Seattle ee gobolka Washington.

Amarka cusub ayaa waxaa laga reebay oo uusan saameeneyn dadka kasoo jeeda dalka Ciraq, waxaana lagu soo koobay dadka lixda dal ee kala ah Iran, Libya, Somalia, Sudan, Syria, iyo Yemen.

Haddaba amarkan cusub ee 6-da waddan lagu soo koobay muxuu kaga duwan yahay kii uu madaxweyne Trump saxiixay bishii January ee shaqeyn waayey.

Su’aashaas iyo kuwo kale ayuu wariyaheena Maxamuud Mascadde oo jooga Minneapolis weydiiyay garyaqaan Cabdinaasir Maxamed Cabdullaahi oo jooga isla magaaladaas.

Fallanqeynta amarka madaxweyne Trump
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:39 0:00

XS
SM
MD
LG