Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Malaysia oo Masaafurin Doonta Ri Jon Chol


Dawlada Malaysia ayaa mustaafurinaysa nin u dhashay dalka Waqooyiga Kuuriya oo loo qabtay dilkii bishii hore Malaysia loogu gaystay Kim Jong Nam oo ay xaga aabo walaalo ka ahaayeen hogaamiyaha Korea-da Waqooyi Kim Jong Un.

Ri Jon Chol oo ah nin 43 jir ayaa xabsiga ku jiray mudo laba toddobaad ah, iyadoo lala xidhiidhinayo dilkii Kim Jong Nam ee 13 kii bishii hore loogu khaarajiyay garoonka diyaaradaha ee Kuala Lumpur.

Xeer ilaaliyaha Guud eeMalaysia General Mohamed Apandi Ali ayaa khamiistan maanta sheegay in ay dhamaatay waqtigii ay ahayd in Ri Jon Chol xabsiga lagu hayo xukun la aan, iyadoo aanay jirin buu yidhi cadaymo si kiis loogu oogo sidaas daraadeedna maalinta jimcaha la mustaafurin doono .

Labada eedaysane ee ugu waa wayn kiiskan ayaa ahaa Siti Aisiyah oo ah 25 jir u dhalatay dalka Indonesia iyoDoan Thi Huong oo ah iyaduna 28 jir u dhalatay Vietnam oo labadodaba dil lagu xukumay Arbacadii .

XS
SM
MD
LG