Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Faahfaahinta Khudbadda Madaxweyne Trump


Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa goor dhowayd soo gaba gabeeyey khudbaddiisii ugu horraysay ee isagoo madaxwyene ah uu u jeediyo Labada Aqalka ee Koongareeska.

Khudbaddan, ma ahayn khudbadda sannadeedka lagu magacaabo State of the Union Address, balse waxay ahayd khudbad gaar ah oo inuu jeediyo uu ku marti-qaaday Af-hayeenka Aqalka Koongareeska Paul Ryan.

Khudbadda caawa auu jeediyey Trump ayaa loogu magacdaray “Dib-usoo Noolayntii Ruuxda Maraykanka” waxayna ku saabsanayd inteeda badan fursadaha dhaqaale iyo ilalainta amniga Maraykanka.

Haaruun Macruuf ayaa dhagaysanayey khudbaddaas, waxaana uu nooga diyaariyey warbixintan.

Dhageyso Falanqeyn iyo Warbixin ku saabsan Khudbaddii Trump
please wait

No media source currently available

0:00 0:18:21 0:00

XS
SM
MD
LG