Saraakiisha Milatariga Iraq ayaa sheegay in ciidamadooda Mareykanka uu taageero ay qabsadeen garoonka diyaaradaha magaalada Mosul oo ay kooxda Daacish maamuleysay tan iyo sanaddii 2014.
War lagu qoray shaashadda taleefishinka dowladda Iraq ayaa lagu yiri “Ciidamada jawaabta deg degga ah iyo booliiska federalka ayaa hadda si buuxda gacanta ugu haya garoonka diyaaradaha Mosul.”
Saraakiisha ayaa Jimcaha sheegay in ciidamada ay sidoo kale dib u qabsadeen saldhig milatari oo ku dheggan garoonka, ayna gudaha u galeen xaafadaha Mosul, markii ugu horreysay muddo bilo ah.
General Raid Shakir Jaudat ayaa sheegay in ciidamada Iraq oo diyaarado iyo duqeymo culus ay taageerayaan ay dhowr dhinaca kasoo weerareen garoonka.
Sarkaal kale oo Iraqi ah ayaa sheegay in dagaalyahanada Daacish ay qaraxyo is-miidaamin oo baabuur loo adeegsdaay kala horyimaadeen ciidamada Iraq.
Waxa uu sheegay inuu gaaray khasaare dhowr iyo toban ah, hase yeeshee badankood ay yihiin dhaawacyo fudud.