Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Trump oo 'Daneynaya Xiriirka Shiinaha'


Donald Trump
Donald Trump

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu aad u daneynayo inuu horumariyo “xiriir wax ku ool ah oo u faa’iideeya Mareykanka iyo Shiinaha”.

Bayaan kasoo baxay Aqalka cad ayaa lagu sheegay in Trump uu dareenkiisa ku muujiyey warqad uu u diray madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping.

Aqalka Cad ayaa sidoo kale sheegay in Trump uu Xi uga mahad celiyey hambalyadii uu usoo diray markii madaxweynaha la caleemo saaray bishii lasoo dhaafay.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibedda Shiinaha Lu King ayaa khamiista sheegay in Shiinaha uu la dhacsan yahay warqadda Trump, ayna rajeynayaan in ay Mareykanka kala shaqeeyaan horumarinta xiriir iyo wada shaqeyn wanaagsan.

Hogaamiyayaasha Mareykanka iyo Shiinaha ayaan hadlin tan iyo markii Trump uu madaxweyne noqday, hase yeeshee laba dal ayaa joogteeyey xiriir is-gaarsiineed oo wanaagsan.

XS
SM
MD
LG