Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxkamad Dhageysaneysa Kiiska Amarka Trump


Maxkamadda racfaanka ee federaaliga Mareykanka ayaa maanta lagu wadaa ineey dhageysato doodo ku saabsan dacwad laga gudbiyey amarka madaxweyne Donald Trump ee dalkaan ka mamnuucayey inay soo galaan qaxootiga iyo muwaadiniinta 7 wadan oo Muslim ah.

Maxkamadda ayaa dhageysan doonto qareenada labada dhinac ee kiiskan isku heysta.

Gobolada Washington iyo Minnesota ayaa ah gobolada dacwada ka geeyey amarka madaxweyne Trump. Waxaa kiiskooda ku taageeray Xeer-ilaaliyaal kasoojeeda 15 gobol oo kale oo Mareykanka ah, sidoo kale waxaa bar-bar istaagay ururka shaqaalaha ee Civil Liberties Union iyo ku dhawaad 100 shirkadood.

Xoghayayaashi hore ee arrimaha dibadda Mareykanka John Kerry iyo Madeleine Albright, ayaa amarka madaxweyne Trump ku tilmaamay mid aanan si taxadar leh looga fiirsan oo si xunna loo fuliyey.

Dabayaaqadii toddobaadkii tagey ayaa xaakim federal oo ku sugan magaalada Seattle ee gobolka Washington waxa uu hakiyey amarka Trump taasi oo ilaa iminka u ogolaaneysa dadka kasoo jeeda dalalka Somalia, Iran, Iraq, Syria, Libya, Yemen iyo Sudan inay soo galaan dalka Mareykanka.

XS
SM
MD
LG