La-taliyaha amniga qaranka ee madaxweyne Donald Trump ayaa arbacadii cambaareeyey tijaabo gantaal oo Iran ay sameysay, waxaana uu sheegay in Tehran ay halis gelineyso heshiiskii nuclear ee ay sanaddii 2015 la gashay Mareykanka iyo quwadaha kale ee adduunka.
General Michael Flynn ayaa tijaabada Iran ku qeexay “taxanihii ugu dambeeyey dhacdooyin dhowr ah”, oo Iran ay lixdii bilood ee ugu dambeysay ku halis gelisay Mareykanka iyo xulufadiisa.
Waxa uu sheegay in hogaamiyayaasha Tehran ay ku dhiiri-gelisay inay tallaabadaas qaadaan, sababta oo ah heshiiska Nuclear oo ah “mid tabar darran oo aan wax ku ool ahayn”.
Isaga oo weriyayaasha kula hadlay Aqalka Cad, ayaa Flynn waxa uu madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama iyo xubnaha maamulkiisa ku eedeeyey inaysan awood u muujin Iran.
Flynn ayaa yiri “Laga billaabo maanta waxaan si rasmi ah ugu digeynaa Iran”