Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa xaakim federaal oo kasoo jeeda gobolka Colorado Neil Gorsuch u magacaabay kursi ka banaan Maxkamadda Sare oo uu ka geeriyooday Antonin Scalia bishii February ee sanadkii tagay.
Trump oo arrintan kaga dhawaaqay munaasabad xalay ka dhacday Aqalka Cad ayaa sheegay in garsoore Gorsuch uu yahay nin waddanku si ba’an ugu baahan yahay, islamarkaana in jagadan uu u qalmo aan muran laga keeni karin.
“Gorsuch waxa uu leeyahay caqli aad u sarreeya iyo aqoon dhinaca sharciga ah, waxaana ka go’an inuu dastuurka u tarjumo sida uu u qoran yahay” ayuu yiri madaxweyne Trump.
Aqalka Senate-ka ayaa ay qasab tahay inay u codeeyaan oo ay ansixiyaan magacaabista Gorsuch.
Gorsuch ayaa la filayaa inuu maanta booqdo xarunta congress-ka Mareykanka ee Capitol Hill, si uu ula kulmo sharci dejiyayaasha, islamarkaana afhayeenka Aqalka Cad Sean Spicer ayaa sheegay in maamulka madaxweyne Trump uu sidoo kale la kulmi doono xubno ka mid ah congress-ka.