Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Weerarkii Masjidka Quebec oo Nin loo Maxkamadeynayo


Booliska magaalada Quebec ee dalka Canada ayaa arday Jaamacadeed oo Faransiis-Canadian ah kusoo oogay dacwado la xiriira weerarkii lagu qaaday masaajid ay leeyihiin Musilmiinta magaaladaasi.

Alexandre Bissonnette, oo ah 27 jir ayaa fiidnimadii Isniinti shalay lagu soo oogay lix danbi oo dhamaantood ah inuu si ula kac ah dad u laayey, iyo sidoo kale shan kiis oo ah inuu sameeyey iskuday dil.

Ra’isul wasaaraha dalka Canada Justin Trudeau ayaa weerarkaasi ku tilmaamay weerar argagixiso oo lagu qaaday Muslimiinta Canada.

In ka badan 50 ruux ayaa ku tukaneysay Masjikda magaalada Quebec marki uu weerarka biloowday salaaddii maqrib ee habeenkii Axaddii.

Haweeneey u hadashay ciidamada booliska oo lagu magacaabo Christine Coulombe ayaa sheegtay in dhibanayaasha ay da’doodu u dhaxeysay 35 ilaa 70 jirro ah.

Sideed kale ayaa ku dhaawacmay weerarka oo shan ka mid ahi xaaladoodu aad u liidato.


XS
SM
MD
LG