Kumanaan qof oo ah dadka u dhaqdhaqaaqa in haweenku aysan iska soo ridin ilmaha ayaa ka qeyb galaya dibadbax loogu magac daray “Dibadbaxa taageeridda Nolosha” oo ka dhacaya magaalada Washington DC.
Dadkan oo sanadkan ay dhiir-gelisay maamulka cusub ee madaxweyne Trump oo kasoo horjeeda ilmaha la iska soo rido ayaa rajeynaya isbeddelo dhaca inta Trump uu xilka hayo.
Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Mike Pence, oo ah nin weligiis u dhaqdhaqaaqi jiray inaan ilmaha lasoo ridin ayaa la filayaa inuu la hadlo banaanbaxayaasha oo isugu imanaya meel u dhow aqalka congress-ka Mareykanka ee Capitol Hill.
Dibadbaxa ayaa imanaya maalmo un kadib markii dad ku dhow nus milyan qof ay sidoo kale Washington ku qabteen dibadbax ay ku dalbanayaan in la ilaaliyo xuquuqda haweenka u leeyihiin inay ilmaha soo ridaan.
Dibadbaxa maanta oo ah kii sanadkii 43-aad ayaa waxaa looga caban doonaa xukunkii maxkamadda sare ee Mareykanka ay gaartay sanaddii 1973-kii ee Roe v. Wade, kaasi oo sharciyey in haweenki iska soo ridi karaan ilmaha.