Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa la filayaa in maanta oo arbaco ah uu amar ku bixiyo in la dhiso darbi u dhaxeeya Mareykanka iyo dalka Mexico ee dhinaca Koonfurta uu xuduud kala wadaago.
Darbigan oo Trump uu ballan qaaday markii uu xafiiska madaxweynaha u ordayey, ayaa la doonayaa in lagu xanibo dadka Mareykanka dhinaca xuduuda uga soo gudba ee muhaajiriinta ah.
Trump ayaa sidoo kale la filayaa inuu soo saaro amar xanibaya qaxootiga dalka Mareykanka uga imanaya dalalka qaar.
Amarkan ayaa madaxweynaha uu saxiixi doona marka uu booqasho maanta ku tago Wasaaradda Amniga Gudaha, ee qaabilsan ilaalinta xuduudaha Mareykanka.
Dalalka Trump uu xanibi doono qaxootiga ka imanaya ayaa waxaa ka mid ah Iraq, Iran, Libya, Syria, Somalia, Sudan iyo Yemen, oo dhammaantood ah dalal Muslimiin ah.
Trump ayaa aaminsan in qaxootiga iyo dadka soo galootiga ay qaarkood halis ku yihiin amniga gudaha Mareykanka, islamarkaana ay qaataan shaqooyinka dadka Mareykanka ah.