Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweyne Trump oo ka Baxay Heshiiska TPP


Donald Trump
Donald Trump

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Isniintii ka saaray dalka Mareykanka heshiiska ganacsiga dalalka Pacific-ga, kaasi oo ay bahwadaag ku yihiin 12 waddan oo uu Mareykanku ka mid ahaa.

Hadal uu ka jeediyey Aqal Cad ee magaalada Washington, ayuu madaxweyne Trump ku tilmaamay tallaabada uu qaaday arrin weyn oo muhiim u ah shaqaalaha Mareykanka.

Heshiiskan loo yaqaan TPP oo wada-hadalladiisu ay soo jiitamayeen tan iyo sanadki 2009 ayaa waxaa Mareykanka ku daray madaxweynihi hore Barack Obama, hase yeeshee qaar badan oo ka mid ahaa sharci-dajiyaasha Congress-ka ayaa diidanaa halka kuwo kalana ay ka shakisanaayeen.

Wuxuu dhigayey in Mareykanka uu heshiis dhinaca ganacsiga ah la galo dalalka Japan, Australia, New Zealand, Malaysia, Chile, Canada, Mexico iyo afar waddan oo kale.

Dhinaca kalana, Mdaxweyne Trump wuxuu saxiixay amar mamnuucaya in ay Dowlada lacago ku bixiso Hey’adaha Caalamiga ah ee u dhaq-dhaqaaqa in haweenka ay iska soo ridaan ilmaha calooshooda ku jira ee aanan dhalan.

XS
SM
MD
LG