Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Barrow oo Sheegay inuu ku Laabanayo Gambia


Adama Barrow
Adama Barrow

Madaxweynaha cusub ee la doortay ee dalka Galbeedka Africa ku yaala ee Gambia Adama Barrow, ayaa fariin uu soo dhigay bogiisa Twitterka ku sheegay maanta oo Sabti ah inuu dalkiisa dib ugu noqonayo si uu awoodda ula wareego ka dib markii madaxweynihii laga adkaaday Yahya Jammeh uu aqbalay inuu xukunka ka dego oo uu dalkaasi ka tago.

Mr. Jammeh,ayaa tagaya dalka Guinea si uu xukunka si nabdoon ula wareego Madaxweyne Barrow, oo haatan ku sugaya inta uu ka baxo sababo dhinaca amaankiisa ah dalka deriska la ah Gambia ee Senegal.

Xukun ka degista Jammeh, ayaa soo afjareysa ismari waa siyaasadeed oo dalkaasi ka oognaa, kaasoo dalkaasi qarka u saaray faragelin military oo uu dhiig badan ku daato oo ay ku sameeyaan ciidamo ka socda dalalka ku yaala Galbeedka Africa ee ku bahoobay ururka ECOWAS.

Ciidamada shisheeya ayaa dalkaasi ku sugnaa muddo toddobaad ku dhow, si ey uga jawaabaan xukun ku dhegga Jamehh dalkaasina ay xoog uga eryaan.

Jammeh ayaa dalkaasi xukumayay muddo 22 sanadood ah, isagoo ku qabsaday afgambi military.

Xukumaddii kali taliska aheyd ee uu hogaaminayay mudadaas ayaa ku caan baxday jirdil iyo khaarajin ay u geysaneysay dadka ay u ragto inay ka soo horjeedaan, si loo cadaadiyo dadka ku fekerayay inay mucaaradaan dowladda.

XS
SM
MD
LG