Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ninka Lagu Tuhmayo Weerarkii Istanbul oo la Qabtay


Abdulkadir Masharipov

Ra’iisul wasaaraha Turkiga Binali Yildirim ayaa xaqiijiyey in ay ciidamada amniga xireen ninkii la sheegayinuu ka danbeeyey weerarki habeenki curashada sanadkan 2017-ka lagu qaaday goob lagu caweeyo oo ku taalla magaalada Istanbul, halkaas oo ay ku dhinteen 39 qof.

Warbaahinta Turkiga ayaa sheegtay in ninkan oo lagu magacaabo Abdulkadir Masharipov uu yahay ninkii ka danbeeyey weerarki Istanbul. Waxa kale oo ay sheegeen in lagu soo qabtay howlgal ay ciidamada ammaanka ka sameeyeen degmada Esenyurt ee magaalada Istanbul.

Ra’iisul wasaare Yildirim oo ku tilmaamay ninka argagixiye quruxan ah, ayaa sheegay in hadda arrinta muhiimka ah ay tahay in la shaaciyo maskaxdii ka danbeysay weerarkaas.

Barasaabka Istanbul Vasip Sahin ayaa maanta sheegay in faro laga qaaday Masharipov ay noqdeen kuwi laga helay goobti uu ka dhacay weerari habeenki sanadka cusub.

Waxa kale oo uu intaasi ku daray in ninkan oo asal ahaan kasoo jeedo dalka Uzbekistan uu tababaro kusoo qaatay dalka Afghanistan, kadibna soo galay Turkiga bishii June ee sanadkii 2016.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Turkiga Numan Kurtulmush oo hadal qoraal ah oo uu kaga hadlay howlgalkan soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa sheegay in dagaalka ay kula jiraan argagixisada iyo awoodaha xooga badan ee ka danbeeya uu sii socon doono ilaa ay ka dhameynayaan.

XS
SM
MD
LG