Isku xirrada

War Deg-Deg ah

37 Qofood oo ku Dhintay Diyaard ku Burburtay Kyrgyzstan


32 qof oo ay caruur ku jireen ayaa geeriyootay kadib marki diyaarad kuwa xamuulka qaada ah oo laga leeyahay dalka Turkiga ay aroornimadi hore ee maanta ku bur burtay meel u dhaw garoonka diyaaraha caalamiga ah ee ugu weyn dalka Kyrgyzstan.

Sida ay sheegeen saraakiisha dowlada Kyrgyzstan, ugu yaraan 15 ka mid ah dadka ku dhintay shilkaasi ayaa ku sugnaa dhulka, gaar ahaan xaafadda Dacha-Suu oo u dhaw garoonka Manas oo qiyaastii 25 km dhinaca waqooyi uga began caasimada Bishkek.

Ra,isulwasaare ku xigeenka dalka Kyrgyzstan, Muhammetkaly Abulgaziyev oo warbixin kooban ka bixiyey shilka, ayaa sheegay in bur burka diyaarada uu sababay qalad ka dhacay baylootka diyaarada.

Dadka dhintay ayaa sidoo kale waxaa ku jiray afarti duuliye ee diyaaradda.

Diyaaradani oo kasoo amba baxday Jasiiradda Hong Kong ayaa rabtay inay alaab xamuul ah ku dajiso garoonka Manas, ka hor inta aysan ku laaban magaalada Istanbul.

Wasaaradda adeegyada dag-daga ah ee Kyrgyzstan ayaa sheegtay in diyaaradda ay sidoo kale waxyeeleeysay ilaa iyo 15 guri, sidoo kalana la damiyey dab ka dhashay burburka diyaarada.

Garoonka diyaaradaha Manas ayaa la xiray, ayada oo la joojiyey dhammaan duulimaadyadii illaa ugu yaraan caawa.

XS
SM
MD
LG