Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mareykanka oo Qirtay Dilka 33 Shacab Afghanistan Ah


Howlgal milatari oo sida wada jir ah horraantii bishii November looga fuliyey waqooyiga dalka Afghanistan ayaa waxaa lagu dilay 33 qof oo shacab ah, ayada oo 27 kale lagu dhaawacay sida ay sheegeen milatariga Mareykanka.

Weerarkan dhimashada leh oo ka dhacay xaafadda Boz ee gobolka Kunduz ayaa burburiyey tobaneeyo guryo sida ay sheegeen dadka deegaanka iyo kooxda Taliban.

Howlgalka oo si wada jir ah loo fuliyey ayaa waxaa la doonayey in lagu soo qbato hoggaamiyeyaal ka tirsan kooxda Taliban oo qorsheynayey rabashado ay ku qabsanayaan gobolka Kunduz, sida ay sheegeen saraakiisha milatariga Mareykanka iyo Afghanistan.

“Si ay u difaacaan naftooda iyo ciidamada Afghanistan, ciidamada Mareykanka ayaa waxa ay xabad ay isku difaacayaan ay dib ugu celiyeen kooxda Taliban, oo guryaha shacabka u adeegsaday aagag ay xabadda kasoo ridaan” ayaa lagu yiri war kasoo baxay milatariga Mareykanka.

“Xaald kastaba ha ahaatee, waxaan si qoto dheer uga shaleynayaa nolosha dadka shacabka ee la waayey, waxaan madaxweyne Ghani iyo reer Afghanistan u xaqiijinayaa inaan sameyneyno wax kasta oo aan ku badbaadineyno shacabka Afghanistan” waxaa sidaas yirigeneral John Nicholson oo ah taliyaha ciidamada Mareykanka ee Afghanistan.

XS
SM
MD
LG