Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Fallanqeyn: Magacaabista Axmed Xuseen


Ahmed Hussen
Ahmed Hussen

Ahmed Hussen oo ah nin asalkiisu yahay Soomaali ayaa shalay loo magacaabay inuu noqdo wasiirka socdaalka, qaxootiga iyo jinsiyadaha ee dalka Canada.

Isku shaan-dheyn uu golahiisa wasiirada ku sameeyey Ra’isul wasaaraha dalka Canada, Justin Trudeau ayuu Ahmed Hussen ku badalay wasiirki hore ee socdaalka John McCallum, kaasi oo loo magacaabay safiirka Canada u fadhin doona dalka Shiinaha.

Ahmed, ayaa noqday qofki ugu horeeyey oo Soomaali ah oo gala baarlamaanka Canada sanadki 2015-kii.Wuxuu markaasi kasoo galay baarlamanka xaafada York South-Weston ee magaalada Toronto.

Hadda wuxuu noqon doonaa qofkii ugu horreeyey oo Soomaali ah oo jago wasiir ka qabta mid ka mid ah Dowladaha waaweyn ee caalamka.

Haddaba wariyeheenna Maxamed Colaad Xassan ayaa magacaabista Axmed Xuseen waxa ay uga dhigantahay Soomaalida uu weydiiyay Professor, Xuseen Axmed Warsame oo wax ka dhiga Jaamacadda Calgari ee dalka Canada, horeyna ay u soo wada shaqeeyeen Axmed Xuseen.

Fallanqeyn: Magacaabista Axmed Xuseen
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:35 0:00

XS
SM
MD
LG