WASHINGTON.DC —
Xeer ilaaliyaha magaalada Miami ayaa sheegay in dacwad la xiriirta fal qalalaaso ah lagu soo oogay nin looga shakisanyahay inuu ka danbeeyey toogasho Jimcihii ka dhacday garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee gobolka Florida.
Esteban Santiago, oo ah 26 horay uga mid noqday ciidamadii Mareykanka ee kasoo dagaalantay Ciraaq ayaa weerar uu ku qaaday garoonka diyaaradaha Florida ku dilay shan ruux isla markaana dhaawacay lix kale.
Hadii lagu helo danbiyada lagu soo eedeeyey, ayaa waxa uu muteysan doonaa ciqaab dil ah ama xabsi da,iin.
Maxkamadeyntiisa ugu horeysa ayaa lagu wadaa in ay bilaabato Isniinta birri ah.