Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Russia oo Sheegtay in ay ka Baxeyso Syria


Dowladda Ruushka ayaa billowday inay yareyso ciidamada milatari ee ka jooga dalka Syria.

Madaxa Milatariga Valery Gerasimov ayaa maanta sheegay in “si waafaqsan go’aanka taliyaha sare ee cidamada Ruushka madaxweyne Vladimir Putin, ay wasaaradda gaanshaandhiga Russia bilowday yareynta ciidamada jooga Syria”

Gerasimov ayaa sheegay in markabka diyaaradaha dagaal qaada ee Admiral Kuznetsov iyo maraakiibta kale ee wehliya ay noqon doonaan kuwa ugu horreeya ee baxa.

Moscow ayaa xulufo muhiim u ahayd madaxweynaha dalka Syria Bashar al-Assad inta uu socdo dagaalka sokeeye ee burburiyey dalka Syria.

Ciidamada Ruushka ayaa muhiim u ahaa in kooxaha mucaaradka laga saaro magaalada Aleppo bishii tagtay, taasi oo ahayd guushii ugu weyneyd ee usoo hoyata ciidamada madaxweyne al-Assad.

Moscow oo ku dhawaqday xabad joojin ay dhex dhigtay ciidamada dowladda iyo qaar ka mid ah mucaaradka ayaa sidoo kale muhiim u ah dadaalo wada hadallo nabadeed lagu qabanayo dhammaadka bishan.

XS
SM
MD
LG