Isku xirrada

War Deg-Deg ah

USA: Dhalinyaro Madow ah Dacwad Naceyb ah Lagu Soo Oogay


Afar qofood oo dhalinyaro kaso jeeda bulshada Madowga Mareykanka ee magaalada Chikago ayaa lagu soo oogay dacwad ah iney ku kaceen danbi naceyb ah.

Dhalinyaradaan ayaa soo dhigay barta bulshada ay ku xiriirto ee Facebook muuqaal toos ah oo muujinaya iyaga oo jirdilaya wiil cadaan ah oo dhimirka la.

Dacwad oogayaasha kawntiga Cook ee gobolka Illinois, ayaa ku dhawaaqay galabnimadii Khamiista in Jordan Hill, Brittany Covington iyo Tesfaye Cooper oo 18 jirro ah iyo Tanishia Covington oo 24 jir ah ay ku kaceen danbi naceyb ah.

Muuqaalka ay duubeen dhalinyaradan ayaa muujinaya afartooda oo si ku cel celis ah u mudaya, isla markaana feeraya nin cadaan ah oo gacmaha ka xir xiran, sidoo kalana uu afka ka duubnaa.

Filinka ayaa sidoo kale tusinaya kooxdan oo si khasab ah u cabsiinaysa biyaha wasakheysan ee musqusha, isla markaana ka rifaya timaha ka hor inta aysan meelaha dhiiga leh ee ay ka dhaawaceen aysan uga damin haaska sigaarka.

Sida ay boolisku sheegeen dhibanaha ayaa afduub loo heystay muddo u dhaxeysa 24 ilaa 48 saacadood, ka hor inta aysan ciidamo roonda ah aysan ka helin goobta marki hore lagu weeraray.

XS
SM
MD
LG